Jaamacadda Hormuud oo soo agaasintay, shir cilmiyeedka cinwaankiisu yahay “Geopolitics Meets Vulnerability” ayaa si rasmi ah u furmay 19-04-2026, kana dhacay Hotel Jaziira, iyadoo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, iyo khubaro ka kala socota qeybaha kala duwan ee bulshada. Shirkan waxaa taageero iyo taakuleyn ka geystay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation.

Shirkaan waxaa si rasmi ah u daah furay Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud, Prof. Dr. Abdi Omar Shurie, oo jeediyay khudbad furitaan ah oo uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in la fahmo xiriirka ka dhexeeya isbeddellada siyaasadeed ee caalamka iyo nuglaanta dalalka sida Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay doorka cilmi-baarista iyo aqoonta ay ka ciyaaraan xal u helidda caqabadaha jira.

Mudane Abdullahi Nor Osman, Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, ayaa isna ku ammaanay Jaamacadda Hormuud qabanqaabada shirkan muhiimka ah, isagoo muujiyay doorka uu kulankani ku leeyahay isku xirka aqoonta iyo raadinta xalalka caqabadaha jira. Waxa uu xusay nuglaanta Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay nolol-maalmeedka bulshada, isagoo sidoo kale ku baaqay tallaabooyin istiraatiiji ah oo ku dhisan cilmi-baaris, maalgashi tamarta nadiifta ah (gaar ahaan ka faa’iidaysiga qorraxda), xoojinta wax-soo-saarka gudaha ee cuntada, iyo iskaashi u dhexeeya jaamacadaha, ganacsiga, iyo dowladda si loo dhiso bulsho adkaysi leh.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa saameynta isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Bariga Dhexe ay ku leeyihiin arrimaha muhiimka ah sida nidaamyada tamarta, sugnaanta cuntada, iyo xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya, iyadoo la falanqeynayo caqabadaha jira iyo fursadaha ka dhalan kara isbeddellada geopolitics-ka ee gobolka.
Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galay madax iyo masuuliyiin kala duwan, kuwaas oo qaarkood jeediyay khudbado cilmiyeed oo qoto dheer.
Qaar ka mid ah khudbadihii muhiimka ahaa waxaa ka mid ahaa:

Dr. Yusuf Sheikh Omar, Cilmibaare Sare oo ka tirsan Heritage Institute, ayaa jeediyay khudbad cinwaankeedu ahaa “Middle East Political Turbulence and Its Consequences for Somalia as a Politically Vulnerable Nation”, isagoo si qoto dheer u falanqeeyay saameynta isbeddellada siyaasadeed ee Bariga Dhexe ku leeyihiin Soomaaliya oo ah dal siyaasad ahaan nugul.
Dr. Ibrahim Dagane Ali, Khabiir Sare oo ku xeel dheer Beeraha iyo Horumarintiisa, ayaa jeediyay khudbad cinwaankeedu ahaa “What the FGS can do to Mitigate the Impact of US-Iran Conflict & Closure of Strait of Hormuz…”, isagoo sharaxay saameynta suurtagalka ah ee khilaafaadka iyo xirnaanshaha marin-biyoodka Hormuz ay ku yeelan karaan wax-soo-saarka beeraha, sugnaanta cuntada, iyo nolol-maalmeedka bulshada nugul ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa si guud u muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo fahamka saameynta isbeddellada geopolitics-ka ee caalamka, gaar ahaan kuwa Bariga Dhexe, ku leeyihiin Soomaaliya. Waxay sidoo kale iftiimisay baahida loo qabo cilmi-baaris joogto ah, iskaashi wax ku ool ah, iyo dejinta istiraatiijiyado cadcad oo wax looga qabanayo caqabadaha jira, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo ka jawaabi karta isbeddellada caalamiga ah.